Maxay yihiin shuruucdan cusub ee lagu soo rogay ciyaaraha Champions League? – BBC News Somali

InterServer Web Hosting and VPS

Manchester City's players get off a plane in Portugal on Monday

Qoraalka sawirka,

Manchester City’s players arrived in Portugal on Monday

Tartanka UEFA Champions League-gga ee uu saameynta ku yeeshay xauunka safmarka ah ee coronavirus wuxuu marayaa kulamada ‘siddeed dhammaadka’ kaas oo muddo 12 maalmood ah laga dheelo Lisbon.

Sumcadda ciyaaraha kubadda cagta ayaa qalqal ku jirto sida uu sheegay guddiga Uefa, isagoo intaas ku daray in mustaqbalka isu imaatinnada caalamiga ah aysan suurtoobi doonin haddii aan la raacin nidaamka.

Magaalada Lisbon, dhammaan siddeedda kooxood iyo saraakiishooda oo ay ku jirto Manchester City, ayaa laga doonayaa in ay raacaan shuruucda ku qoran dokumenti ka kooban 31 bog.

Shuruucdaas qaarkood waxay ku adkaan doonta horyaalka kubadda cagta ee Yurub.

Xayiraadda hoteellada

Cayaartoyda kuma fekeri doonaan aaditaanka xeebaha iyo meelaha qurxoon ee Lisbon, iyagoo keliya hoteelka ka bixi kara haddii uu jiro heshiis hore – markaas xitaa looma oggola inay wax xiriir ah la sameeyaan qof ka baxdsan kooxdooda.

Gudaha hoteellada, cayaartoyda waxaa loo sameeyay meelo u gaar ah oo ay ku cunteeyaan, waxaana cuntada u geyn kara keliya shaqaalaha kooxda.

Sidoo kale waxaa dharkooda u dhaqi kara keliya shaqaalaha kooxda la socda.

Sida loogu ciyaaro kooxda ma is beddeleysaa?

Nolosha cayaartoyga maalmahan waxaa la xiriira baaritaanno badan oo xanuunka coronavirus ah.

Baaritaanno ayaa lagu sameeyay kahor inta aysan cayaartoyda aadin Portugal – labo qof oo ka tirsan Atletico Madrid ayaa laga helay fayraska waana loo diiday inay safraan.

Baaritaanka ayaa sidoo kale laga fulin doonaa Lisbon maalin kahor kulan walba oo dhacaya. UEFA ayaa ballan qaadday in natiijada baaritaanka la heli doono ugu yaraan lix saac kahor kulanka.

Balse haddi hal ama labo qof laga helo xanuunka waxay saameyn doontaa qorshaha kooxda.

Waxaa xusid mudan in shuruucda UEFA ay tahay in kooxdu ay la timaaddo 13 cayaartoy iyo gool haye. Haddii aysan kooxdu sidaas sameyn karin waxaa loo oggolaanayaa in ay ku soo daraan koox qof aan hore loo diwaan gelin.

Muraayadda ku dheggan suuliga

Qoraalka sawirka,

Manchester City’s Kyle Walker collects his bag after arriving in Lisbon

Haddii intaas looga gudbo baaritaanka coronavirus, waxaa sii dheer baaritaannada daroogada awoodda jirka kordhisa.

Saraakiisha dabagalka daroogada awoodda u yeesha qofka, ayaa baaraya kaadida cayaartoyda.

Balse si lloo raaco shuruucda kala fogaanshaha bulshada, cayaartoda waxaa muraayad loogu dhejin doonaa suuliga hortiisa – taas oo xoogaa dhib ku ah.

Sidoo kale, gaadiidka iyo goobta ay marti-sharafta ka baxaan ayaa jeermiska laga nadiifiyay.

Diyaaradaha iyo basaska ayaa ku qasbanaan doona in jeermiska laga dilo, “si loo yareeyo xiriirka bulshada kale”, cayaartoyda ayaa isticmaali doona goobaha la geeyo marti-sharafta ee garoomada.

Calamada waa la oggol yahay, balse funaanadaha maya.

Is dhaafsiga haddiyaha ee taageerayaasha kahor cayaarta ayaa isbeddel lagu sameeyay. Calamada waa la is dhaafsan karaa, balse qof walba oo u hanqal taagaya funaanadda Lionel Messi, ma heli doono, iyadoo cayaartoyda aan loo oggoleyn in ay is dhaafsadaan funaanadaha.



Source link

InterServer Web Hosting and VPS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here